Waayaha Nolosha(Qiso Jaceyl Oo Aad La Ilmeyn Doonto)+Qeybta 1-Aad.. | warqab
Monday, April 24th, 2017
.
output_CjBT9T

Waayaha Nolosha(Qiso Jaceyl Oo Aad La Ilmeyn Doonto)+Qeybta 1-Aad..

Published on December 9, 2016 by   ·   No Comments

Waxaan halkan idin kugu soo gudbinaynaa Sheeko la magac-baxday ‘Waayaha Nolosha’, waana sheeko jaceyl oo dhab ah kana dhacday qeybo ka mid Dalka, waxaana idin soo gudbinaynaa qeybta 1-aad.

 

 

Markastaa oo aan indhaha ku dhutfo Luul waxaan dareemayay farxad aniga un igu kooban isla markaana waxaan dareemayay naxdin iyo baqdin isku jirta, waxayna aheyd Gabadh aad iyo aad ii cajibisay oo soo jiidatay dareenkeyga iyo qeybta xasuusta ee maskaxda,

 

 

Luul iyadu war umaba heyso jaceylka aan u hayo iyo sida aan u doondoonayo, waa jaceyl aniga keligay igu kooban, waxa ay aheyd Gabadh lagu tilmaami karo Gabadh aad u qurux badan, dhirirkeedu waxa uu ahaa meel dhaxaad, midibkeeduna waxa uu ahaa casaan, waxayna laheyd indho xuural ceyn la mooda, Bishimo casaan ah, marka ay kuu qososho Beerka ayaa ku dilaacayo, waxa ay laheyd naaneys ay Ardada intooda badan ay ugu yeeri jireen, oo aheyd Quman, waxaynu wada dhigan jirnay Dugsiga Sare Axmed Warsame.

 

 

Riix Halkan Oo Dhageyso Qeybta 1-Aad

 

 

Aniga iyo Luul waxa aynu aheyn isku Fasal, Fasalka 1-aad ee Dugsiga Sare ee Axmed Warsame, waxa ayna aheyd xiligii uu ii bilaabanayay Dugsiga Sare, maalintii ugu horeysay ee aan indhaha ku dhuftay Luul waan iska caashaqay, waxaana aad ula yaabay Quruxda Gabadhani, waxaan kale oo aan niyada iska iri “Alla nasiib badanidaa haddiiba Luul oo kale kugu Fasal tahay”.

 

 
Laakiin waxaan la kulmay dhibaatooyin aad u fara badan oo iga soo gaaray Jaceylkii aan u qaaday Luul, maxaa yeelay Jaceylka aad ruux hawada ka jirlaato aad ayuu u dhib badan yahay, mudo seddax Bilood ah baan hawada ka jeclaa Luul, subax waliba waxaan ku arki jiray Fasalka gudihiisa iyo weliba dibadiisa, dhowr jeer bay si kedis ah iiga soo hor baxday, balse mar waliba oo aan indhaha saaro wajigeeda quruxda badan waxaa aad ii garaacmi jiray Wadnaha, iska daa in aan u sheegto, waxaan ku tartarayay salaanteeda.

 

 

Habeen waliba marka aan sariirta tago waxaan inta badan ku fikiri jiray qaabka aan Luul ugu sheegan lahaa danteeda, mar waliba waxaan canaantaa Nafsadayda, waxyaabaha aan isku canaanta waxaa ka mid ahaa “war maxaad Luul uga cabsanaysaa?, waa qof bini aadam ah oo nolosha wax ka taqaano, haddii aad u dansheegato oo aad ku tiraahdo ‘Abaayo waan ku jeclahay’, miyay ku cuneysaa?, laba unbay mid noqoneysaa way ku diidaysaa amaba way ku ogolaaneysaa”.

 

 

La soco qeybaha kale ee sheekadan oo aad u xiiso badan in’sha Allah.

Shabakadda Warqab.com

Xafiiska Wararka Muqdisho

Warqab.com@gmail.com

Isha Ku Hay Warqab Media warqab.com@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)



wararkii hore

Daawo: Gabadh Reer Hargeysa ah oo wacdaro ka dhigtay Muqdisho & Shacabka Muqdisho oo gacanta afka saartay…

April 23, 2017
Waxaan halkan idin kugu soo bandhigaynaa muuqaalka Gabadh ka timid Magaalada Hargeysa ee Somaliland oo wacdaro ka dhigtay ...

Daawo: Ciidamo Badan oo Puntland looga dilay Gal-gala & Saraakiisha oo Sharaxay Khasaare Ba’an oo Gaaray….

April 23, 2017
Askar ka Tirsan Daraawiishta Puntland ayaa ku dhintay Qarax ka dhacay Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari, halkaas oo ...

Daawo: Axmed Madoobe oo Al Shabaab u soo bandhigay awoodiisa ciidan….

April 23, 2017
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam '(Axmed Madoobe' ayaa booqasho ku tagay deeganka Cabdalla Biroole ...

Toos U Daawo: Sarkaal Garoowe ku sugan oo shaaciyay arin la qarin waayay+Ceeb weli taagan…

April 23, 2017
Taliye ku xigeenka ciidanka maamulka Puntland Dayr Xaaji Cabdi ayaa ka hadlay mushaar la,aan uu sheegay inay hayso ...

Askargii dilay Osama Bin Laden oo Fashiliyay Qaabkii uu udilay & Sababtii Sawiradiisa aduunka looga qariyay….

April 22, 2017
Maamulkii uu hogaaminayay madaxweynihii Mareykanka Brack Obama ayaa ka dambeeyay in la dilo hogaamiyihii AlQacida Sh Osama Bin ...