Waayaha Nolosha(Qiso Jaceyl Oo Aad La Ilmeyn Doonto)+Qeybta 2-Aad.. | warqab
Thursday, November 23rd, 2017
.
output_CjBT9T

Waayaha Nolosha(Qiso Jaceyl Oo Aad La Ilmeyn Doonto)+Qeybta 2-Aad..

Published on December 10, 2016 by   ·   No Comments

Sheekadan Waayaha Nolosha qeybteeda 1-aad waxay inoo joogtay “war maxaad Luul uga cabsanaysaa?, waa qof bini aadam ah oo nolosha wax ka taqaano, haddii aad u dansheegato oo aad ku tiraahdo ‘Abaayo waan ku jeclahay’, miyay ku cuneysaa?, laba unbay mid noqoneysaa way ku diidaysaa amaba way ku ogolaaneysaa”.

 

 

 

Waxaan halkan idin kugu soo gudbinaynaa qeybta 2-aad ee sheekadan.

 

 

Luul waa Ruux Gabadh ah, Gabdhuhuna aad bay calool jilcanyihiin, waxaa dhici karta in iyaduba ay ka taagan tahay yaa mar un ku bilaabo, Habeenkii mar mar waxaan ku gaari jiray fikir xili saqdhaxa ah, waxaan ku dhaaran jiray berito haddii uu waagu baryo oo aad aragto Luul, waa in aad toos uga hortagaa oo aan u sheegtaa jaceylka aan u qabo.

 
Alla wareer badanaa, isla maalintaasi markii bareega noola soo daayay aniga oo taagan Geed weyn oo ku yaala Iskuulka oo indhaha la raacaya Ardayda si aan u arko Luul, Arday raxan raxan u socota, sidii Ruux baadi ka maqantahay oo kale kolba dhinac eegayay, nasiib wanaag waxaan maqlay codkii Luul oo meel gadaashayda ah ka soo yeeraya, “C/fataax walaal maxaa keligaa halkan ku istaajiyay maad jameecada soo dhex gashid”.

 

Riix Halkan Oo Dhageyso Qeybta 2-Aad

C/fataax markii uu gadaal eegay waxa ay indhihiisa ku dhaceen Luul oo u muuqanaysa in ay aad u farax badan tahay, meeshii laga rabay in uu u jawaabay ee uu la wadaago sheeko waxaa ku dhigay koronto oo waxa uu noqday Ruux aad u naxsan, wadnihii ayaa garaacmay , asagoo hadalka ku merganaya ayaa uu u jawaabay waxa uuna yiri “Maya Abaayo Luul ruux baan halkan ku sugayay waana uu iga soo daahay”, Luul ayaa kolkaasi tiri “C/fataaxow Waxaan is dhahayay maanta Ninka odayga ah gaad gaad buu ku jiraa” waxa ay aheyd fursad qaali ah balse yaa ka faa’ideysanaya, asaga oo weli ka naxsan aragtideeda ayuu ku yiri “Abaayo Luul waxaas majiraan aniga arrimahaasi waa la iiga duceeyay” markii uu intaasi ku yiri ayaa iyada oo kaftamaysa kana sii dhaqaaqaysa waxa ay ku tiri “Ducoy xaal qaado”.

 
Markii ay ka dhaqaaqday ayuu keligii shalaayay, faruuryaha ayaa iska qaniinay,asagoo la yaaban fursada uu iska lumiyay arintii uu xalay oo dhan isku borogaraaminayay waxay ku dhamaatay guul daro, “Alla ciil badanaa maxaan sameeyaa, aniga Luul waan jeclahay, jaceylkeedana wuu igu sii kordhayaa maalinba maalinta ka dambeysa, Luulna uma sheegan karo, oo jaceylka intuu igu batay wuxuu iga dhigay Ruux aan dhanba ku wanaagsaneyn, dhanka waxbarashada waan ku sii liidanayaa maalinba maalinta ka dambeysa, dhanka kale Gabadh ay nafta iiga sii dhacaysa ee Luul waan ku guuleysan waayay xataa in aan u soo bandhigo jaceylkeyga, Alla Alla Alla ciil iyo murugo badanaa”.

 
C/fataax waxa uu go’aansaday in uu la tashado saaxiibkiis Maxamed Amiin, oo ahaa saaxiibkii uu aad ugu kalsoonaa, si uu ugala hadlo arrimaha jaceylka ee ka heysta dhanka Luul.

 
Maalin ayaa C/tataax waxa uu soo raadiyay saaxiibkii Maxamed Amii, waxa ay isku soo raaceen meel xaafada aad uga fog, waxay wada fadhiisteen maqaaxyi ay dadka aad uga badanyihiin oo Caffe-ga iyo Kubashiinka laga cabo, waxa ay fadhiisteen meel gooni ah dabadeedna markii loo keenay wixii ay dalbedeen waxaa dhexmartay sheeko aad u dheer oo meelo badan taabanaysay, sheekadii waxa ay u dhacday sida tan:-.

 

 

La soco qeybaha kale ee sheekadan oo aad u xiiso badan in’sha Allah.

 

Shabakadda Warqab.com

Xafiiska Wararka Muqdisho

Warqab.com@gmail.com

Isha Ku Hay Warqab Media warqab.com@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)



wararkii hore

Magaca & Dalka uu ka soojeedo ergay cusub ee IGAD u soo Magacowday Arrimaha Soomaaliya…..

June 13, 2017
Urur Goboleedka IGAD ayaa Ergay cusub usoo Magacawday Soomaaliya kadib shir shalay magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka ...

Daawo Sawiradda: Masuul telefanka ka qaban waayey Madaxweyne caan ah oo shaqada laga eryey ….

June 13, 2017
Preet Bharara oo ah Dacwad ooge sare oo heer faderaal ka soo shaqeeyay magaalada Ney York ka shaaciyay ...

Daawo: Feysal Waraabe oo u Hanjabay Madaxwaynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia…..

June 12, 2017

Daawo Sawiradda: Ciidamo wata Maraakiib & Helicopterka oo soo gaaray Xeebaha Soomaaliya+Sababta…

June 12, 2017
Dowladda Dalka Talyaaniga ayaa waxay ciidamo gaar ah u soo dirtay dalka Soomaaliya gaar ahaan Puntland ciidamadaas oo ...

DEG DEG+Dhageyso: Muuse Suudi & Beelaha Hawiye oo galka seefta kala baxay+Dagaal ka dhan ah Farmaajo oo la iclaamiyay…

June 12, 2017
Waxaa Kulan Xasaasi Ah uu ka qabsoomay Axadii Shalay Magaalada Muqdisho,taasi oo Qodobo dhowr Ahna laga soo saaray.     Warbaahinta ...