War Culus: Faarax C/Qaadir” Waxaan ku dhashay 7-bilood , Dadku waxa ay dhaheen masii noolaanayo laakiin Hooyadeey ayaa igu tiri Dalka ayuu hogaaminayaa…” | warqab
Tuesday, March 28th, 2017
.
output_CjBT9T

War Culus: Faarax C/Qaadir” Waxaan ku dhashay 7-bilood , Dadku waxa ay dhaheen masii noolaanayo laakiin Hooyadeey ayaa igu tiri Dalka ayuu hogaaminayaa…”

Published on January 8, 2017 by   ·   No Comments

Xildhibaan Faarax Sheekh C/Qaadir oo u sharaxan Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta Khudbad ka jeediyay Xarunta Golaha Shacabka ayaa ka hadlay waxa uu qabanayo hadii loo doorto xilka uu u sharaxan yahay.

 

 

Faarax oo ka muuqatay kalsooni ku aadan in uu heesto taageerada inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in uu wax badan oo muuqda ka qaban doona Baarlamaanka Soomaaliya hadii la doorto.

 

 

Waxa uu sheegay in uu ku dhashay 7-bilood kaliya uuna ku dhashay Baadiye kuyaala magaalada Baladweyne, waxa uuna tilmaamay in aan xiligaas loo maleeneyn in uu noolaan doono maadama uu ku dhashay 7-bilood Isbitaalkan uusan ku dhalan.

 

 

”Waxaa ku dhashay 7-bilood , waxaaa ku dhashay Baadiye aan laheyn Isbitaal , dadku waxa ay yiraahdeen ma noolaanayo 7-maalmood ka badan, Hooyadeey allaha u naxariistee ayaa tiri waxaan rajeenayaa in dalka iyo dadka Hogaamiyo, waxa kale Hooyadey igula dar darantay in aan dadka ixtiraamo oon istaag ku wareeysan anigoo fadhiyo ”Ayuu yiri Xildhibaan Faarax C/Qaadir.

 

 
Faarax C/Qaadir oo ah Xildhibaan saameyn badan leh aadna ugu dhaw Madxaweynaha Soomaaliya ayaa muujinayay in uu qabo kalsooni badan ku aadan in Baarlamaanka Soomaaliya u dooran doonaan Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka.

Shabakadda Warqab.com

Xafiiska Wararka Muqdisho

Warqab.com@gmail.com

Isha Ku Hay Warqab Media warqab.com@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)



wararkii hore

DEG DEG:Labo sarkaal oo katirsanaa ciidanka Puntland oo dhintay & dhaawaca mid kale kadib markii..

March 27, 2017
Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in shil Gaari oo ...

Toos U Daawo: Muuqaal lagu fashilay sir u qarsooneed Prof. Jawaari+Video caro weyn dhaliyay….

March 27, 2017
Riwaayad gaaban oo ka hadleysa go’aanka Guddoomiyaha Baarlamaanka fFderaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ee is hortaaga kalsooni ay ...

DEG DEG: Fanaaniinta Xiddigaha Gees oo Gaari Shil la galay & Siday wax u dhaceen+Khasaare…

March 27, 2017
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Duleedka Tuulada Abaarso oo 15-KM dhinaca Galbeed ka xigta Magaalada Hargeysa, ...

Warbixin Xiiso Leh: Waddaniyaddii Warqadda Eersatay!+Aqoonyahan xaqiiqda ka hadlay…..

March 26, 2017
Jan 11, 2017: Waa waddaniga keliya ee noqon kara Guddoomiye Baarlamaan... waa sharci yaqaan sameeyay dastuurka, waa rug ...

Toos U Dhageyso:Dood Culus Idaacada BBC-da & Booqashadii Madaxwayne Farmaajo…..

March 26, 2017
Waxaan halkan idin kugu soo gudbinaynaa dood ku saabsan booqashadii Madaxweyne Farmaajo ee uu ku tagay Dalka Kenya, ...