Daawo: Trump ayaa aqbalay in Ruushka uu u dhacay doorashada Maraykanka+Kashifaad…. | warqab
Thursday, February 23rd, 2017
.
output_CjBT9T

Daawo: Trump ayaa aqbalay in Ruushka uu u dhacay doorashada Maraykanka+Kashifaad….

Published on January 9, 2017 by   ·   No Comments

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa aqbalay warbixin ay soo saartay hayadaha sirdoonka in Ruushka uu u dhacay doorashada madaxweynenimada Maraykanka , ayuu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan shaqaalaha Trump.

 

Riix Halkan Oo Daawo Muuqaalka

“Waxaan u malaynayaa inuu aqbalay, waxa lagu helay warbixinta ” ayuu madaxa shaqaala madaxtooyada ee xilka la wareegaysa, Reince Priebus.

 

 

Ruushka ayaa beeniyay eedeymaha inay ka danbaysay u dhicida emailada xisbiga Dimoqoraadiga si wax loogu dhimo Hillary Clinton. Afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov, ayaa sheegay maanta in eedeymaha dad lagu raadsanayo oo aysan lahayn wax cadayn ah.

 

 

Madaxweynaha la doortay ee Trump ayaa loo soo bandhigay waxyaabaha lagu helay warbixinta madaxda sirdoonka Jimcihii. “Ma diidana in dad Ruush ah ay ka danbeeyeen ololahan gaarka ah,” ayuu sheegay Mr Priebus Axadii.

 

 

Laakiin ma uusan cadayn in Mr rump uu aamisan yahay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, uu si toos ah u amray jabsiga kombutarada iyo in kale sida lagu sheegay warbixinta. the report (an unclassified version).

 

 

Kadib markii uu la kulmay Agaasimaha sirdoonka Maraykanka, CIA, John Brennan iyo Agaasimaha FBI James Comey, Mr Trump ayaa kulanka ku tilmaamay mid si fiican u dhacay.

 

 

Hadal uu soo saaray Trump ayuu ku sheegay in 90 maalmood gudaheed markuu xafiiska la wareego uu waydiisan doono qorshe sida lagu joojin karo weerarka kombutarada.

Shabakadda Warqab.com

Xafiiska Wararka Muqdisho

Warqab.com@gmail.com

Isha Ku Hay Warqab Media warqab.com@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)



wararkii hore

DEG DEG: Madaxweynaha Soomaaliya oo Hada soo Gaaray Goobta Ay ka dhaceyso Caleema Saarkiisa..

February 22, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo Ayaa Soo gaaray Goobta Ay ka Dhaceyso Xafladiisa Caleema Saarka ...

DEG DEG: Hailemariam Desalegn oo soo gaaray Muqdidsho una gudbay hoolka ay ka socoto …

February 22, 2017
Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho soo gaaray Ra'isul Wasaaraha xukuumada Itoobiya , waxaana garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde si diiran ...

DEG DEG: Madaxweyne Uhura Kenyatta oo goordhaw kasoo degay Muqdisho….

February 22, 2017
Waxaa goordhaw magaalada Muwdisho kasoo degay Madaxweynaha dowlada Kenya Uhura Kenyatta iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira ...

DEG DEG: Madaxweyne Cismaaciil Cumar Geelle oo Muqdisho soo gaaray….

February 22, 2017
Waxaa Goor dhow Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ka soo degay Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Cismaaciil Cumar Geelle oo ka ...

Maxaad kala socotaa Madaxda kasoo qeyb galeysa Caleemo Saarka Farmaajo iyo Wadamada ay ka socdaan? …..

February 22, 2017
Waxaa saacadaha soo aadan lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo munaasabad balaaran oo lagu caleemo saarayo ...