Muuqaal Ahaan U Daawo: Qaabka Baarlamaanka Galmudug uu Xilkii uga Qaaday C/kariim Guuleed+Xaalada Cadaado oo kacsan…. | warqab
Tuesday, March 28th, 2017
.
output_CjBT9T

Muuqaal Ahaan U Daawo: Qaabka Baarlamaanka Galmudug uu Xilkii uga Qaaday C/kariim Guuleed+Xaalada Cadaado oo kacsan….

Published on January 10, 2017 by   ·   No Comments

Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo kulan ku yeeshay Magaalada Cadaado ayaa goordhaw codka kalsoonida waxa ay u qaadeen Madaxweynaha Maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed oo horey mooshin looga gudbiyay.

 

 

Riix Halkan Oo Daawo Muuqaalka

 

 
Kulanka Baarlamaanka Galmudug waxaa soo xaadiray 54-Xildhibaan waxaana shir Gudoominayay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Maamulkaasi Xareed Cali Xareed, waxaana ajandaha kulanka uu ahaa kalsooni kala noqoshada Madaxweynaha Galmudug.

 

 

Kadoodista Mooshinka kadib ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudg waxa ay cod u qaadeen Mooshinkii laga soo gudbiyay Madaxweyne Cabdi Kariin Xuseen Guuleed, waxaana Baarlamaanka cod gacan taag ah ugu codeeyeen in ay kalsoonida kala noqdeen Guuleed.

 

 

Xildhibaan Cabdikariin Cumar Axmed oo katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa noo sheegay in dhamaan Xildhibaanada 54-ta ah ay u codeeyeen in kalsoonida kala noqdaan Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed.

 

 

Ciidamo katirsan Maamulka Galmudug ayaa ku fashilmay in ay baajiyaan kulanka Baarlamaanka ee maanta Kalsoonida lagala noqday Madaxweyne Guuleed, waxa ayna Ciidamada goor sii horeesay isku hareereeyeen Guriga Guddoomiye kuxigeenka Baarlamanaka si uusan kulanka u furmin.

Shabakadda Warqab.com

Xafiiska Wararka Muqdisho

Warqab.com@gmail.com

Isha Ku Hay Warqab Media warqab.com@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)



wararkii hore

DEG DEG:Labo sarkaal oo katirsanaa ciidanka Puntland oo dhintay & dhaawaca mid kale kadib markii..

March 27, 2017
Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in shil Gaari oo ...

Toos U Daawo: Muuqaal lagu fashilay sir u qarsooneed Prof. Jawaari+Video caro weyn dhaliyay….

March 27, 2017
Riwaayad gaaban oo ka hadleysa go’aanka Guddoomiyaha Baarlamaanka fFderaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ee is hortaaga kalsooni ay ...

DEG DEG: Fanaaniinta Xiddigaha Gees oo Gaari Shil la galay & Siday wax u dhaceen+Khasaare…

March 27, 2017
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Duleedka Tuulada Abaarso oo 15-KM dhinaca Galbeed ka xigta Magaalada Hargeysa, ...

Warbixin Xiiso Leh: Waddaniyaddii Warqadda Eersatay!+Aqoonyahan xaqiiqda ka hadlay…..

March 26, 2017
Jan 11, 2017: Waa waddaniga keliya ee noqon kara Guddoomiye Baarlamaan... waa sharci yaqaan sameeyay dastuurka, waa rug ...

Toos U Dhageyso:Dood Culus Idaacada BBC-da & Booqashadii Madaxwayne Farmaajo…..

March 26, 2017
Waxaan halkan idin kugu soo gudbinaynaa dood ku saabsan booqashadii Madaxweyne Farmaajo ee uu ku tagay Dalka Kenya, ...