Sawirro: War hada naga soo gaaray Magaalada Cadaado & C/kariin Guulleed oo ka degay+Xiisad ka taagan…. | warqab
Sunday, May 28th, 2017
.
output_CjBT9T

Sawirro: War hada naga soo gaaray Magaalada Cadaado & C/kariin Guulleed oo ka degay+Xiisad ka taagan….

Published on January 11, 2017 by   ·   No Comments

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo shalay Baarlamaanka Maamulka Galmudug kala noqdeen Kalsoonida ayaa maanta si deg deg ah ku gaaray magaalada Cadaado, isagoona diyaarad gaar ah ka qaatay magaalada Muqdisho.

 

 

Waxaa garoonka Diyaaradaha magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay Cabdikariin Xuseen Guuleed, Masuuliyiin katirsan Galmudug, Saraakiil ciidan oo katirsan AMISOM iyo dowlada iyo dad aan sidaa u tiro badneyn.

 

 
Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweynihii Galmudug iyo xubnaha la socday ayaa tagay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Cadaado, waxa ayna halkaasi kulamo kula leeyahay masuuliyiin katirsan Maamulka Galmudug iyo waxgaradka magaalada Cadaado.

 

 

Dhinaca kale Banaan bax looga soo horjeeday Cabdi Kariin Xuseen laguna taageerayay xil kaqaadistii Baarlamaanka Galmudug ku sameeyeen ayaa maanta ka dhacay magaalada Cadaado.

 

 

Banaan baxa waxaa soo qaban qaabiyay shacabka ku dhaqan magaalada Cadaado ,kuwaa oo muujinayay sida ay ugu faraxsan yihiin in Xilkii laga qaaday Madaxweynihii Galmudug, waxa ayna bogaadiyeen go’aankii ay gaareen Baarlamaanka Galmudug.

 

 

Magaalada Cadaado ayaa laga dareemayaa xiisad siyaasad oo ka dhax aloosan Baarlamaanka maamulka Galmudug iyo hogaanka sare ee maamulkaasi, C/Kariin Guuleed ayaan iska diiday xil ka qaadistii shalay lagu sameeyay.

 

Shabakadda Warqab.com

Xafiiska Wararka Muqdisho

Warqab.com@gmail.com

Isha Ku Hay Warqab Media warqab.com@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)



wararkii hore

Daawo: Feysal waraabe Oo Hadal Ay La Yaabeen Reer Somaliland Meel Fagaara Ah Ka Jeediyay+Siilaanyo Oo Ka Carooday….

May 26, 2017
Faysal Cali waraabe oo ka mid ah hogaamiyaasha mucaaradka Somaliland ayaa Beesha Axmed Siilaanyo Kasoo jeedo wuxuu ka ...

Dowladda oo ku dhawaaqday Go’aan ka farxiyay Shaqaalaha dowladda & Bisha Ramadaan oo..

May 26, 2017
Wasaaradda Owqaaftay iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqday in caawa Ramadaan uu ...

Daawo Muuqaalka: Madaxwayne Farmaajo oo Shacabka u diray Hanbalyada Bisha Barakaysan ee Ramadaan…

May 26, 2017

Daawo Sawiradda: Booliska Soomaaliya oo markii ugu horeysay loogu deeqay dayuurado Drones ah….

May 26, 2017
Booliska Soomaaliya ayaa helay markii ugu horeysay dayuuradaha sahanka ee drones-ka loo yaqaan oo aan duuliyaha wadin.   Sarkaal hore ...

Daawo: Xiisad ka dhex taagan Puntland & Somaliland oo la qarin waayay+Sir 20-sano qarsooneed oo banaanka la soo dhigay….

May 26, 2017
Waxaa waayadanba hadalo kul kulul is weydaarsanayay Madaxda Maamulada Puntland iyo Somaliland kuwaasi  oo laga cabsi qabo in ...