Xasaasi: 5 Sabab oo uu Xidig ku noqon Karo Gudoomiyaha Barlamaanka oo ay qasab tahay Inaad Ogaato…. | warqab
Tuesday, March 28th, 2017
.
output_CjBT9T

Xasaasi: 5 Sabab oo uu Xidig ku noqon Karo Gudoomiyaha Barlamaanka oo ay qasab tahay Inaad Ogaato….

Published on January 11, 2017 by   ·   No Comments

Doorashada Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dhaceysa magaalada Muqdisho iyadoo musharaxiinta ugu cad cad kursigaan ay kala yihiin Xildhibaan Xidig iyo Prof Jawaari.

 
Hadaba Shabakada Wararka Siyaasada ee Warqab.com ayaa halkan idiinku soo gudbineysa shan sabab oo Xidig ku hogaamin karta inuu noqdo gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya.

 
1 – Hawiye: Beesha Hawiye ayaa la fahansan yahay iney go’aamin karto in Xidig uu Noqdo gudoomiyaha barlamaanka

 
Sababta ayaa ah in Xildhibaanada Beelaha Hawiye ay ku cadaadin doonaan musharaxa beesha Daarood inuu noqdo gudoomiyaha barlamaanka si tartanka doorashada Madaxweynaha ay isugu so haraan Beelaha Daarood iyo Raxanweyn.

 
2- Digil & Mirifle: Shariif Xasan Sh Aadan ayaa la fahansan yahay inuu ka danbeyay in Xidig uu isku soo sharaxo gudoomiyaha barlamaanka si uu fursad ugu helo inuu isku soo sharaxo xilka madaxweynaha.

 
Arintan ayaa ka dhigeysa in Xildhibaanada laga soo doortay Koofur Galbeed ay boqolkiiba 70 taageersan yihiin siyaasada Shariif Xasan ayna ucodeyn doonaan in Xidig loo doorto gudoomiyaha barlamaanka.
3- Kuraasta Waqooyiga Soomaaliya: Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh iyo RW CC ayaa la fahansan yahay iney taageerada ugu badan ka haystaan xubnaha gobollada Waqooyi S/Land kasoo jeeda.

 
Si kastaba, Xubnahan ayaa ku biiri doona isbaheysiga beesha Daarood looga saarayo iney utartanto xilka madaxweynaha Soomaaliya iyagoo udooran doona Xidig afhayeenka golaha Shacabka.

 
4 – Taageerada Itoobiya: Itoobiya ayaa la rumeysan yahay iney taageero xoogan siineyso musharaxan kasoo jeeda Beesha Daarood.

 
Musharax Xidig ayaa helaya taageerada Dowlada Itoobiya taas oo galaangal siyaasadeed oo muuqda ku leh doorashada haatan soo socota Soomaaliya, si kastaba, Xidig ayaa la fahansan yahay inuu haysto taageerada dowladaas.

 
5- Lacag ayaa Kala Shaqeysa: Xildhibaan Xidig ayaa la rumeysan yahay in siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda Beelaha Hawiye iyo Raxanweyn uu ka helay lacag aan caadi aheyn si uu xilkaas ugu soo baxo.

 
Xildhibaanada ayaa lagu kala iibsanayaa codadkooda ku dhawaad boqol kun oo Dollar codkiiba, laakiin Xidig oo taageero ka haysta dowlado shisheeye iyo kuwa haatan dalka daladiisa haya ayaa awood uleh inuu lacagaas bixiyo.

 
NB: Laakin Xidig ayaa ku guuldareysan kara kursiga afhayeenka barlamaanka, hadii isbahaysiga Hawiye iyo Dir ay codkooda uweeciyaan dhanka Prof Jawaari oo si dhow loola xariiriyo madaxweynaha DF Soomaaliya Xasan Sh.

 

Shabakadda Warqab.com

Xafiiska Wararka Muqdisho

Warqab.com@gmail.com

Isha Ku Hay Warqab Media warqab.com@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)



wararkii hore

DEG DEG:Labo sarkaal oo katirsanaa ciidanka Puntland oo dhintay & dhaawaca mid kale kadib markii..

March 27, 2017
Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in shil Gaari oo ...

Toos U Daawo: Muuqaal lagu fashilay sir u qarsooneed Prof. Jawaari+Video caro weyn dhaliyay….

March 27, 2017
Riwaayad gaaban oo ka hadleysa go’aanka Guddoomiyaha Baarlamaanka fFderaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ee is hortaaga kalsooni ay ...

DEG DEG: Fanaaniinta Xiddigaha Gees oo Gaari Shil la galay & Siday wax u dhaceen+Khasaare…

March 27, 2017
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Duleedka Tuulada Abaarso oo 15-KM dhinaca Galbeed ka xigta Magaalada Hargeysa, ...

Warbixin Xiiso Leh: Waddaniyaddii Warqadda Eersatay!+Aqoonyahan xaqiiqda ka hadlay…..

March 26, 2017
Jan 11, 2017: Waa waddaniga keliya ee noqon kara Guddoomiye Baarlamaan... waa sharci yaqaan sameeyay dastuurka, waa rug ...

Toos U Dhageyso:Dood Culus Idaacada BBC-da & Booqashadii Madaxwayne Farmaajo…..

March 26, 2017
Waxaan halkan idin kugu soo gudbinaynaa dood ku saabsan booqashadii Madaxweyne Farmaajo ee uu ku tagay Dalka Kenya, ...