XOG: Xagee ku dambeyn Damacii Shariif Xasan uu ku doonayay in Madaxweyne ka noqdo Dowlada cusub ?…. | warqab
Sunday, May 28th, 2017
.
output_CjBT9T

XOG: Xagee ku dambeyn Damacii Shariif Xasan uu ku doonayay in Madaxweyne ka noqdo Dowlada cusub ?….

Published on January 11, 2017 by   ·   No Comments

shariif Xasan Sheekh Aadan oo kamid ahaa Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta soo dhamaatay rajadii uu ka lahaa in uu u tartamo Madaxtinimada dalka Soomaaliya doorashada dhawaan ka dhaceysa Muqdisho.

 

 

Musharax Shariif Xasan ayaa waqti iyo juhdi badan galiyay sidii kursiga GudDoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya looga weecin lahaa Beesha DigilMirifle oo marar badan soo qabtay, waxa uuna Shariif kursigaasi la damacsanaa in ay qaataan Beesha Daraood gaar ahaan Musharax Xidig.

 

 

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhaw doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka ee hogaamin doona afarta sano ee soo socota waxaana xilkaasi mar kale loo doortay Gudoomiyhii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawarai oo kasoo jeeda Beesha Eelaay ee Raxweyn.

 

 
Shariif Xasan ayaa maanta si rasmi ah uga haray tartanka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya maadaama Dowlada ay ku dhisan tahay awood qeybsi beesha uu kasoo jeedana ay qaadatay Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

Siyaasadii ay wateen Musharaxiinta Beesha Daarood ayaa maanta guuleesatay kuwaa oo iyana waqti badan ku bixiyay sidii ruux kasoo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle u noqon lahaa gudoomiyaha Baarlamaanka gaar ahaan Prof Jawaari.

 

 

Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaan wali lagu saadaalin karin doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo iyana aad u adkaan doonta, waxaana loo badinayaa in Shariif Xasan uu la hari doona Xasan Sheekh.

Shabakadda Warqab.com

Xafiiska Wararka Muqdisho

Warqab.com@gmail.com

Isha Ku Hay Warqab Media warqab.com@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)



wararkii hore

Daawo: Feysal waraabe Oo Hadal Ay La Yaabeen Reer Somaliland Meel Fagaara Ah Ka Jeediyay+Siilaanyo Oo Ka Carooday….

May 26, 2017
Faysal Cali waraabe oo ka mid ah hogaamiyaasha mucaaradka Somaliland ayaa Beesha Axmed Siilaanyo Kasoo jeedo wuxuu ka ...

Dowladda oo ku dhawaaqday Go’aan ka farxiyay Shaqaalaha dowladda & Bisha Ramadaan oo..

May 26, 2017
Wasaaradda Owqaaftay iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqday in caawa Ramadaan uu ...

Daawo Muuqaalka: Madaxwayne Farmaajo oo Shacabka u diray Hanbalyada Bisha Barakaysan ee Ramadaan…

May 26, 2017

Daawo Sawiradda: Booliska Soomaaliya oo markii ugu horeysay loogu deeqay dayuurado Drones ah….

May 26, 2017
Booliska Soomaaliya ayaa helay markii ugu horeysay dayuuradaha sahanka ee drones-ka loo yaqaan oo aan duuliyaha wadin.   Sarkaal hore ...

Daawo: Xiisad ka dhex taagan Puntland & Somaliland oo la qarin waayay+Sir 20-sano qarsooneed oo banaanka la soo dhigay….

May 26, 2017
Waxaa waayadanba hadalo kul kulul is weydaarsanayay Madaxda Maamulada Puntland iyo Somaliland kuwaasi  oo laga cabsi qabo in ...