War Xasaasi Ah: Ganacsatada Muqdisho oo hanjabaadii ugu cusleyd abid ka soo yeertay & Farmaajo & Kheyre oo… | warqab
Tuesday, October 17th, 2017
.
output_CjBT9T

War Xasaasi Ah: Ganacsatada Muqdisho oo hanjabaadii ugu cusleyd abid ka soo yeertay & Farmaajo & Kheyre oo…

Published on June 6, 2017 by   ·   No Comments

Khilaaf ku sabasan adeegga ay bixiso Shirkadda Albeyrak ee maamusha Dekadda Muqdisho iyo Ganacsatada adeegsata dekadda Muqdisho ayaa cirka isku shareeray.

 

 

 

Ganacsatada ayaa ka cabanaya Shirkadda Turkiga ah ee maamusha dekadda Muqdisho oo aan wax adeeg ah siinin, isla amrkaana si amar ku taagleyn ah lacag badan uga qaadata ganacsatada.

 

Riix Halkan Oo Dhageyso

 

 

Arrintan oo muddo soo socotay ayaa qaraxday dhowaan markii Wiishka qura ee Shirkadda Albeyrak leedahay oo Konteenarad ka dejiya Maraakiibta cilad soo wajahday isagoo markii hore ahaa Wiish Duug ah oo aan shaqo joogto ah qaban karin, taasoo keentay inay Ganacsatada ku qasbanaadaan inay soo kireystaan Wiish kale, balse Shirkadda Albeyrak ay dooneyso in la siiyo lacagtii dejinta baceecadaha.

 

 

Ganacsatada ayaa ka gadooday falalka shirkadda Albeyrak oo sidoo kale aan wax horumarin ah ku sameyn dekadda Muqdisho, waxana dacwad gaarsiiyeen maamulka dekadda iyo dowladda Federaalka, iyagoo ku hanjabay inay joojiyaan adeegsiga dekadda Muqdisho, una wareegayaan dekadaha kale ee dalka.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale maanta tegay fara geliyay Dekadda si xaaladda is mari waaga ah wax loog qabto, wuxuuna maamulka Dekadda iyo shirkadda Albeyrak kala hadlay xaalada dekadda iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka jira.

 

 

 

Albeyrak ayaa dhowaan maamulka dekadda ka hor istaagtay inay wax shaqo ah ay ka qabtaan ama ka howlgalaan dekadda Muqdisho.

 

Isha Ku Hay Warqab Media warqab.com@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)



wararkii hore

Magaca & Dalka uu ka soojeedo ergay cusub ee IGAD u soo Magacowday Arrimaha Soomaaliya…..

June 13, 2017
Urur Goboleedka IGAD ayaa Ergay cusub usoo Magacawday Soomaaliya kadib shir shalay magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka ...

Daawo Sawiradda: Masuul telefanka ka qaban waayey Madaxweyne caan ah oo shaqada laga eryey ….

June 13, 2017
Preet Bharara oo ah Dacwad ooge sare oo heer faderaal ka soo shaqeeyay magaalada Ney York ka shaaciyay ...

Daawo: Feysal Waraabe oo u Hanjabay Madaxwaynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia…..

June 12, 2017

Daawo Sawiradda: Ciidamo wata Maraakiib & Helicopterka oo soo gaaray Xeebaha Soomaaliya+Sababta…

June 12, 2017
Dowladda Dalka Talyaaniga ayaa waxay ciidamo gaar ah u soo dirtay dalka Soomaaliya gaar ahaan Puntland ciidamadaas oo ...

DEG DEG+Dhageyso: Muuse Suudi & Beelaha Hawiye oo galka seefta kala baxay+Dagaal ka dhan ah Farmaajo oo la iclaamiyay…

June 12, 2017
Waxaa Kulan Xasaasi Ah uu ka qabsoomay Axadii Shalay Magaalada Muqdisho,taasi oo Qodobo dhowr Ahna laga soo saaray.     Warbaahinta ...