Dowladda Soomaaliya oo mowqif adag ka qaadatay Khilaafka Dalal Carabta+Soomaalida oo ku faraxday… | warqab
Tuesday, October 17th, 2017
.
output_CjBT9T

Dowladda Soomaaliya oo mowqif adag ka qaadatay Khilaafka Dalal Carabta+Soomaalida oo ku faraxday…

Published on June 7, 2017 by   ·   No Comments

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay, kana walaacsan tahay khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay dowladaha Carabta

 

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ku baaqeyso in khilaafka lagu dhameeyo wada hadal iyo isfaham.

 

Mowqifka dowladda Federaalka ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka ayaa ah mid cad oo ay ku muujineyso in aanay dhinacna ula safneyn dowladaha khilaafka u dhaxeeya.

 

Dalalka Sacuudiga, Baxreyn, Imaaraadka Carabta iyo Masar ayaa ku dhawaaqay inay xiriirka diblomaasiyadeed u jareen dowladda Qatar, iyagoo safiiradooda dib ugala soo baxay, waxaa ay ku eedeeyeen in Qatar ay taageerto Argagixisada.

 

Hoose Ka Akhriso Warsaxaafadeedka:-

 

Tr. June 07, 2017

Muqdisho – Soomaaliya

 

War Saxaafadeed (Faafin Degdeg ah)

 

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay ka xun tahay, kana walaacsan tahay khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay Dowladaha Carabta ee walaalaha ah.

 

Waxey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku baaqeysaa in khilaafka lagu dhammeeyo wadahadal iyo is faham, iyada oo la adeegsanayo Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

 

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamcadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamku waxey diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii xal loogu heli lahaa khilaafkan Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay waddamada walaalaha ah.

 

 

Shabakadda Warqab.com

Xafiiska Wararka Muqdisho

Warqab.com@gmail.com

Isha Ku Hay Warqab Media warqab.com@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)



wararkii hore

Magaca & Dalka uu ka soojeedo ergay cusub ee IGAD u soo Magacowday Arrimaha Soomaaliya…..

June 13, 2017
Urur Goboleedka IGAD ayaa Ergay cusub usoo Magacawday Soomaaliya kadib shir shalay magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka ...

Daawo Sawiradda: Masuul telefanka ka qaban waayey Madaxweyne caan ah oo shaqada laga eryey ….

June 13, 2017
Preet Bharara oo ah Dacwad ooge sare oo heer faderaal ka soo shaqeeyay magaalada Ney York ka shaaciyay ...

Daawo: Feysal Waraabe oo u Hanjabay Madaxwaynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia…..

June 12, 2017

Daawo Sawiradda: Ciidamo wata Maraakiib & Helicopterka oo soo gaaray Xeebaha Soomaaliya+Sababta…

June 12, 2017
Dowladda Dalka Talyaaniga ayaa waxay ciidamo gaar ah u soo dirtay dalka Soomaaliya gaar ahaan Puntland ciidamadaas oo ...

DEG DEG+Dhageyso: Muuse Suudi & Beelaha Hawiye oo galka seefta kala baxay+Dagaal ka dhan ah Farmaajo oo la iclaamiyay…

June 12, 2017
Waxaa Kulan Xasaasi Ah uu ka qabsoomay Axadii Shalay Magaalada Muqdisho,taasi oo Qodobo dhowr Ahna laga soo saaray.     Warbaahinta ...