Magaca & Dalka uu ka soojeedo ergay cusub ee IGAD u soo Magacowday Arrimaha Soomaaliya….. | warqab
Tuesday, October 17th, 2017
.
output_CjBT9T

Magaca & Dalka uu ka soojeedo ergay cusub ee IGAD u soo Magacowday Arrimaha Soomaaliya…..

Published on June 13, 2017 by   ·   1 Comment

Urur Goboleedka IGAD ayaa Ergay cusub usoo Magacawday Soomaaliya kadib shir shalay magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku yeesheen Madaxda Urur Goboleedka IGAD.

 

Ergayga cusub ee IGAD usoo magacawday Soomaaliya ayaa u dhashay dalka Kenya waxaana lagu magacaabaa Maxamed Cali Guyo, masuulkan Wakiilka uga noqonaya IGAD Soomaaliya ayaa hada dalka Kenya ka hayay xilka madaxa xafiiska Geeska Afrika ee wasaaradda arirmaha dibeddda dalka Kenya.

 

Maxamed Cali Guyo ayaa la sheegay inuu khibrad u leeyahay arrimaha Geeska Afrika isla markaana uu horey dawladdiisa ugu soo matalayey shirar kala duwan oo ku saabsan waddamada Bariga Afrika.

 

Ergaygan cusub ee Ururka IGAD usoo magacawday Soomaaliya ayaa badalaya Ergaygii hore IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Ambassador Maxamed Cabdi Afey oo sanadkii hore loo magacabaay ergayga UNHCR u qaabilsan arrimaha qaxootiga.

 

Shabakadda Warqab.com

Xafiiska Wararka Muqdisho

Warqab.com@gmail.com

Isha Ku Hay Warqab Media warqab.com@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Atoore says:

    ASC.
    Ku soo dhawoow soomaaliya Muxammad Cali Guuyo.Welcome to Somalia.



wararkii hore

Magaca & Dalka uu ka soojeedo ergay cusub ee IGAD u soo Magacowday Arrimaha Soomaaliya…..

June 13, 2017
Urur Goboleedka IGAD ayaa Ergay cusub usoo Magacawday Soomaaliya kadib shir shalay magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka ...

Daawo Sawiradda: Masuul telefanka ka qaban waayey Madaxweyne caan ah oo shaqada laga eryey ….

June 13, 2017
Preet Bharara oo ah Dacwad ooge sare oo heer faderaal ka soo shaqeeyay magaalada Ney York ka shaaciyay ...

Daawo: Feysal Waraabe oo u Hanjabay Madaxwaynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia…..

June 12, 2017

Daawo Sawiradda: Ciidamo wata Maraakiib & Helicopterka oo soo gaaray Xeebaha Soomaaliya+Sababta…

June 12, 2017
Dowladda Dalka Talyaaniga ayaa waxay ciidamo gaar ah u soo dirtay dalka Soomaaliya gaar ahaan Puntland ciidamadaas oo ...

DEG DEG+Dhageyso: Muuse Suudi & Beelaha Hawiye oo galka seefta kala baxay+Dagaal ka dhan ah Farmaajo oo la iclaamiyay…

June 12, 2017
Waxaa Kulan Xasaasi Ah uu ka qabsoomay Axadii Shalay Magaalada Muqdisho,taasi oo Qodobo dhowr Ahna laga soo saaray.     Warbaahinta ...